Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta FESOJ oo Siyaasadda ku biiray

Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa si rasmi ah ugu biiray xafiiska RW Rooble isagoo aqbalay xilkii loo magacaabay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta FESOJ oo Siyaasadda ku biiray

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo horay uga soo shaqeeyay warbaahinta madaxa bannaan ee dalka Soomaaliya iyo BBC Somali, oo dhawaanna noqday Xoghaya Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ - Federation of Somali Journalists, ayaa galay Siyaasadda.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Mucalimuu shalay u magacaabey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, oo mudo-xileedkeeda uga harsan wax ka yar 40 maalmood.

Wariyaha ayaa intii uu ahaa Xoghayaha FESOJ ku dhaliili jiray dowladda caburinta iyo xad-gudubka warbaahinta, balse hadda wixii ka dambeeya wuxuu ku shaqeyn doonaa aragtida maamulka Farmaajo, oo wixii looga soo meeriyo xafiisyada sare ayuu u akhrin doonaa bulshada Soomaaliyeed, run iyo been intaba.

Mucallimuu marna lama uusan gamban inuu ka hadlo dhibaateynta, Caburinta, xarigga iyo jir-dilka loo geysto Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya, isagoo madaxda dowladda u diri jiray farriin cabasho ah iyo cambaareyn culus.

War qoraal ah oo kooban ayuu bartiisa Facebook -ga soo dhigay, isagoo uga mahadceliyay RW Rooble xilka uu u magacaabay:

Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.

Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay” ayuu ku yiri qoraalkiisa

Isagoo ka hadlayay khibraddiisa shaqo ee uu leeyahay ayuu yiri sidan “Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey'ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .

Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday”

Siyaasadda iyo Saxaafadda waa saaxiibo, sida dadka badankii ay aaminsan yihiin, cilmi ahaana maadooyinka lagu barto kalama foga hayeeshee Siyaasaddu waxay kaga duwan tahay Saxaafadda waa hal qodob “Siyaasadda marka aad ku jirto aragtidaada oo kaliya kuma socon kartid, waxaad ku qasbanaaneysaa in aragtida qof kale aad qaadato si aadan uga dhicin saaxada Siyaasadda, hayeeshee Saxaafaddu wey ka duwan tahay oo wariyuhu marna kama gambado, qof kalena sumcaddiisa ugama badasho inuu runta iyo aragtidiisa ku shaqeeyo”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.