Xogo hor leh oo ka soo baxay safarkii Farmaajo ee Qatar

Si aan arrintaa u qeexno, 6-dii kursi ee ugu horreysay ee laga soo doortay Baladweyne, Farmaajo, wuxuu ku bixiyay lacag ka badan 4-milyan oo dollar, sida aan ka soo xigannay, howlwadeenno ka tirsan, xaafiiska Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
Xogo hor leh oo ka soo baxay safarkii Farmaajo ee Qatar

DOOXA, Qatar - Safarkii Farmaajo shanti bishaan ku tagay dalka Qatar ayaa dhaliyay hadal heyn badan oo ku saabsan nooca/ujeedka booqashada, taas oo ay hadda ka soo baxayaan xogo hor leh oo Madaxtooyada Soomaaliya qarisay.

Sida ay hore u baahisay Kedmedia Online, billowgii sanadkaan, waxaa soo baxay war sheegaya in Qatar, kooxda waqtigu ka dhamaaday, ku war galisay, in ay wax ka beddelaan, olalahooda, si ay u difaacdaan kursiga Madaxweynaha.

Xogtaas oo qudheedu qarsoodi ahayd, waxaa kooxda loo sheegay in xitaa ay baddelaan masharrooxda koobaad, haddii ay dareemaan in uusan mar kale bulshada ka gadmeynin, isla-markaasna ay dhisaan musharrax fursad heli kara.

Tallaabadas, ayaa sababtay, in Farmaajo ugu yaraan afar jeer, qadka taleefanka kula hadlo Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, wax ka yar 30 cisho, ka hor inta uusan u socdaalin Dooxa, shanti bishaan Maasrso 2022.

Farmaajo, wuxuu billihii Jannaayo iyo Feberaayo, geed dheer iyo mid gaaban u koray, inuu meesha ka saaro, shakiga Qatar ee ku aaddan damaciisa siyaasadeed ee soo laabashada, wuxuuna Dooxa u tagay, qancinta amiirka dalkaas.

Farmaajo, wuxuu Dooxa geeyay, dib u eegis ku aaddan, waxqabadkii heshiisyadii uu kula jiray Qatar, wuxuuna soo ballan qaaday heshiiyo hor leh, oo intooda badan ku wajahan siyaasadda arrimaha dibadda dalka.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Qatar waxa ay Soomaaliya ka dhigatay dal ay isku halayn karto, iyo meel ay uga aarsan karto dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo kaashaneysa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Sida xoguhu muujinayaan, Farmaajo, wuxuu safarkiisii Dooxa, ku gorgortamay sida uu daacadda ugu yahay dalka Qatar iyo inuu wali ka shaqayn doono, danaha dalkaas, haddii ay mar kale, ka caawiyaan doorashada.

Qatar waxa ay cudud dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, la garab taagneed Farmaajo intii uu xaafiiska joogay, maadaama uu dagaal xooggan la galay inta badan dalalka Carbed ee Qatar ay isku hayaan siyaasadda Bariga Dhexe.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Kooxda ololaha Farmaajo, ay ilaa hadda qarash gareeyeen ku dhawaad, 26-milyan oo dollar, si ay u boobaan doorashooyinka Hirshabeele, Galmudug & Koonfur-galbeed.

Si aan arrintaa u qeexno, 6-dii kursi ee ugu horreysay ee laga soo doortay Baladweyne, Farmaajo, wuxuu ku bixiyay lacag ka badan 4-milyan oo dollar, sida aan ka soo xigannay, howlwadeenno ka tirsan, xaafiiska Guudlaawe.

Lacagtaas, waxaa bixisay Qatar, u jeedkuna, waa in ay mar kale, maamusho siyaasadda arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga ee dowlad-ganacsiyeedkan muhiimka ah, inkastoo aysan muuqan rajo uu ku soo laaban karo Farmaajo.

Qatar, waxa ay in muddo ah, qeyb ka ahayd, caqabadda Soomaaliya, waxaana xilliyo kala duwan lagu eedeeyay fududeynta falal amni darro, sida qaraxyo ka dhacay caasimadda iyo weerarkii dekedda Boosaaso ee lala beegsaday DP WORLD.         

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.