Xogta Safaradda u qorsheysan Xasan Sheekh ee Kenya iyo US

Washington ayuu tagi doonaan Madaxweynaha bishan, kadib markii uu Casuumaad ka helay Aqalka Cad, oo la filayo inuu kula kulmo Joe Bidan.

Warar Keydmedia Online
Xogta Safaradda u qorsheysan Xasan Sheekh ee Kenya iyo US

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishan u qorsheysan labo Safar oo isha lagu hayo, kuwaasoo uu ku tagi doono dalalka Kenya iyo Mareykanka.

Safarka hore waxa uu ku tagayaa Kenya, oo 13-ka bishan uga qeybgali doono Caleema-saarka William Ruto, oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 9-kii bishii August 2022.

Ruto oo dhawaan wareysi siiyay CNN ayaa sheegay inuu rajeynaya wadashaqeyn fiican inuu la yeesho Xasan Sheekh, oo Kenya iyo Soomaaliya iska kaashadaan caqabadaha ka jira gobolka.

Lugta xigta ayuu ku tagaa Washington, oo uu kula balansan yahay Joe Biden, oo  Casuumaad usoo diray, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Biden ayaa bishii May maalmo kadib doorashadii Xasan Sheekh amray in Ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya, islamarkaana ay billaabaan la dagaalanka argagaxisadda.

Mareykanka ayaa aad u danaynaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan amniga maadaama Al-Shabaab oo sii xoogeysata ay khatar ku keenayso danihiisa gobolka Geeska Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.