Xoolo-Dhaqato & Shabab Oo Dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya degaanka buulo xaaji ee ka tirsan Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in xiisad u dhexeeysa Maleeshiyada Shabaab iyo xoolaleey ayaa ka taagan deegaanka, kadib markii ay isku dayeen iney xoog uga ururiyaan xoolo dadka degaankuna ay diideen taasoo ka dhalatay is-rasaaseyn xoogan uu dgex maro shalay.
Warar Keydmedia Online

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in deegaanka Buulo-xaaji xalay iyo saakay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa dadka deegaanka iyo Maleeshiyaadka Shabaab kadib markii dadka deegaanku ay bilaabeen in ay is abaabulaan kana hortagaan Maleeshiyaadka Shabaab oo dooneysa in ay xoolo baad ah ka ururiyaan dadkaasi Xoolo raacatada ah.

“Dhalinyaro ka tirsan deegaanka oo hubeysan ayaa isku urursaday deegaanka Buulo Xaaji kuwaas oo diyaar u ah in ay ka hortagaan ficilada guracan ee Maleeshiyaadka Shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo ay halkaasi ka dhacaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaankaasi oo u waramayay Radio Muqdisho.

Maalintii shalay ayeeey aheyd markii dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Maleeshiyaadka Shabaab uu halkaasi ka dhacay, kaas ooo ka dhashay kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay isku dayeen in xoolo baad ah ay dadkaasi ka ururiyaan


Source: Wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.