Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa kahor doorashadda Soomaaliya

Bishan oo kaliya waxaa dalka, gaar ahaan Koonfurta lagu xiray ugu yaraan 5 suxufi oo xabsiga loo dhigay inay tebiyeen warar aan farxad gelinaynin dowladda Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa kahor doorashadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii xumaanaysa xorriyadda saxaafadda madaxa-banaan ee Soomaaliya kahor doorashooyinka guud ee la isku khilaafsan yahay.

Ugu yaraan 5 Suxufi ayaa Koonfurta Soomaaliya lagu xiray, iyagoo loo bartilmaameedsadaa gudashada waajibaadkooda shaqo oo ah tebinta wararka oo ah xuquuq aas-aasi ah oo dhammaan shuruucda dalka u ogolaanaya.

Xarigga iyo handadaadaha ka dhanka suxufiyiinta iyo weerarada xaruumaha warbaahinta ayaa sii labo jibaarmay mudadii uu Farmaajo dalka ka talinayay, iyadoo Muqdisho noqotay meesha ugu xun ee lagu dilo, laguna xiro wariyeyaasha.

Saddex maalin kahor, askar ka socotay booliska iyo Ciidanka Nabadsugidda NISA, ayaa weeraray kadibna xiray labo saxafi oo u shaqeyneysay Warbaahinta Goobjoog iyagoo tebinayay mudaaharaad ka dhacayay degmada Hodan oo Farmaajo looga soo horjeeday.

Shan maalmood kahor, Ciidanka booliska ayaa weeraray hotel ku yaalla Beledweyne kadibna xiray weriye Cabdulqadir Maxamed Faarax (Dulyar) kadib markii uu uu wareystay Abuukar Warsame Xuud oo hoggaamiya jabhad mucaarad ku ah maamulka Hirshabelle.

Sidoo kale, 20-kii bishan booliska ku sugan Baydhabo ayaa xiray wariye Maxamed C/risaaq kadib markii uu faallo ka qoray labo sano guuradii kasoo wareegtay doorashaddii dhiiga ku daatey ee Lafta Gareen, taasoo maamulka KG u arkay mid Madaxweynaha aan farxadgelinaynin.

Billooyin kahor, Muqdisho waxaa xabsiga loo dhigay suxufi inuu soo bandhigay sida Farmaajo uusan shacabkiisa ugu damqanaynin, kadib markii uu Isbitaalka Martiini kasoo qaatey Mashiinka neefta siiya bukaanada uu Covid-19 ku dhaco.

Soomaaliya, 30-kii sano ee lasoo dhaafay, 69 wariye ayaa lagu dilay, iyadoo dalka ku jiro kaalinta 163-aad 180-ka dal ee ugu khatarta badan inay warbaahin madax-banaan ka shaqeyso, kuwaasoo lagu dhibaateeyo sufuxiyiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.