Daacish iyo Al-Shabaab oo lagu xukumay Puntland

Qeybo kamid ah Puntland waxaa haysta Daacish iyo Al-Shabaab, iyagoo weeraro ka fuliya magaalooyinka waaweyn, sida Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Daacish iyo Al-Shabaab oo lagu xukumay Puntland

BOOSAASO, Puntland - Maxkamad Ciidan oo ku taalla Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo Sarkaal oo muhiim u ahaa ururada xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gobolka Bari, iyadoo mid kalena xabsi ku xukuntay.

Maxkamadda Ciidamada Maamulka Puntland oo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqday saddexdan dembiiliyaal inay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya.

Maxkamada ayaa ku heshay Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed C/raxmaan inay galeen dambiyo ah abaabulka dilal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo sidoo kale weeraro kala duwan oo ay ka geysteen gobolka.

Midka seddexaad oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Shiniyow Cali waxaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah. Saddexda qof ayaa lagu qabtay hawlgal milatari oo ay Ciidamada Puntland dhowaan ka fuliyeen gobolka Bari.

Xukunkooduna wuxuu ku soo beegmay toddobaad uun ka dib markii isla Maxkamaddan ay xukuntay saddex kale oo katirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Daacish waxaa lagu aasaasay buuraleyda Galgala ee Puntland sanadkii 2015, waxaana hogaamiya C/qaadir Muumin. Al-Shabaab ayaa sidoo kale buuraleyda Galgala kula dagaallameysay Ciidamada Puntland mudo sanado ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.