Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtey Gaalkacyo

Walxo qarax ayaa sidoo kale lagu qabtey howlgalka Koonfurta Gaalkacyo, kaasoo kusoo beegmaya xili lagu wada in magaaladda ka dhacdo doorashadda Aqalka Hoose.

Warar Keydmedia Online
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtey Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Ciidamada amniga Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen Koonfurta Gaalkacyo ku qabtey xubno katirsan Al-Shabaab iyo walxo qarxa oo ay wateen.

Saraakiisha amniga magaaladda ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii laga warhelay in Al-Shabaab ay soo gelisay Gaalkacyo shaqsiyaad doonayay inay weerar fuliyaan.

Lama shaacin tirada xubnaha la qabtey, waxaana lagu wadaa in dhawaan warbaahinta loo soo bandhigo iyaga iyo hubkii ay wateen, ee lagu soo qabtey howlgalka amniga lagu xaqiijinayo.

"Walxo qarax ayaa sidoo kale lagu qabtey howlgalka Koonfurta Gaalkacyo, kaasoo kusoo beegmaya xili lagu wada in magaaladda ka dhacdo doorashadda Aqalka Hoose," ayuu yiri booliska.

Galmudug iyo Puntland ayaa iska kaashanaya amniga Gaalkacyo oo Koonfur iyo Waqooyi kala maamulaan, iyadoo loo sameeyay Ciidan boolis isku dhaf ah oo kaashanaya shacabka.

Dhawaan waxaa qeybta Puntland lagu toogtey rag katirsan Al-Shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka wadey tan iyo 2008 magaaladda, iyadoo dilka uu noqdey mid wax badan ka bedelay amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.