Xubno ka tirsan Al-shabab oo howlgal lagu dilay

Howlgalka oo ka dhacay inta u dhaxeyso waddada xiriiro Muqdisho iyo Jowhar ayaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabab. 

Warar Keydmedia Online
Xubno ka tirsan Al-shabab oo howlgal lagu dilay

MUQDISHO,Soomaaliya - Ciidamada Komaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxeyso waddada Muqdisho iyo Jowhar oo ay inta badan weeraro ka geystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kumaandooska oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in ay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabab lagu dilay halka loo yaqaanno Ceel-geelow.

Raggaan la toogtay ayaa la sheegayaa in ay Miino ku aasayeen inta u dhaxeyso waddada xiriiro Muqdisho iyo Jowhar oo maalmihii dambe noqotay meel amaankeeda aad u xunyahay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.