Xubno Al-Shabaab katirsan oo xayiraad la saarey

Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa saddex hogaamiye ku daray liiska argagaxisadda, iyagoo kadibna u gudbiyay Gollaha amniga oo aqbalay.

Warar Keydmedia Online
Xubno Al-Shabaab katirsan oo xayiraad la saarey

NEW YORK - Dowladaha Gollaha Amaanka oo ka kooban 15 ayaa si aqbaliyad leh ugu codeeyay qaraar ay usoo gudbiyay Mareykanka oo liiska argagaxisadda loogu darayo saddex xubnood oo kamid ah hogaanka Kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa dalbaday in xiyiraado lagu soo rogo Saddexda hogaamiye ee kala ah Abuukar Cali Aadan, ku-xigeen hoggaamiyaha Al-Shabaab; Macalin Ayman, taliyaha garabka Jaysh Ayman ee ka dagaalama Kenya iyo Mahad Karate, hogaamiye kuxigeen hore iyo shaqsi awood badan ku dhex leh Kooxda.

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhawaysay go'aanka Gollaha Amaanka, oo loo arko inay tahay tallaabo muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab, oo khatar ku haysa amaanka Soomaaliya iyo midka Gobolka Geeska Afrika.

"Mareykanka wuxuu ku amaanayaa UNSC cunaqabateynta ay saareen hogaamiyaasha al-Shabaab Abukar Ali Adan, Macallin Ayman, iyo Mahad Karate, shaqsiyaadka mas'uulka ka ahaa falal badan oo argagixiso ah. Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasilloonida, barwaaqada, iyo nabadda Soomaaliya," ayay tiri Safiirka Mareykanka ee Gollaha Amaanka Erica Barks-Ruggles.

Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa inta badan saaran cunaqabateyn uu Mareykanka saarey iyo lacago la duldhigay si loo dilo ama loo qabto, waxaana Washington ay ku guuleysatay inay disho Axmed Godane iyo kuwa kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.