Xubno katirsan Al-Shabaab oo dil lagu xukumay

Maxkamadda Ciidanka ayaa dhawaan toogasho ku fulisay saddex xubin oo Al-Shabaab kamid ahaan jiray, kuwaasoo uu ku jiray Macalinkii Dilaagga noqday ee Ilkacase.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidanka DF ayaa saakay ku dhawaaqday inay xukuno dil toogasho ah ku riday labo xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab, kuwaasoo lagu helay dembi ah inay ku dileen Muqdisho 2019 saraakiil Ciidan.

Labadan oo lagu kala magacaabo Cumar Aadan iyo Cabdulle Axmed ayaa sugaya in tiirka la geeyo, iyadoo laga dama-gayn doono saaxiibadoodii horey loo toogtay oo ugu dambeeyay saddex uu kamid ahaa Ilkacase, Macalinkii dilaagga oo dhawaan la dilay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.