Xubno katirsan Al-Shabaab oo liiska argagaxisadda lagu daray

Mareykanka ayaa horey cunaqabateyn u saarey hogaamiyeyaal sare oo katirsan Kooxda, wuxuuna qaarkood madaxooda dul dhigay lacag maalyiin dollar ah.

Warar Keydmedia Online
Xubno katirsan Al-Shabaab oo liiska argagaxisadda lagu daray

WASHINGTON - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay liiska argagaxisadda ku dartay labo xubnood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab.

Labadan xubnood ayaa kala ah Cali Maaxmed Raage iyo C/qaadir Maxamed C/qaadir, kuwaasoo Washington ay sheegtay in la xayiray hantooda ama danihii ka yaallay Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay labada xubnood kuwa khatar badan, oo ku dhex leh Al-Shabaab awood badan, oo weeraro ku fulin karaan, waxaana tallaabada liiska argagaxisadda loogu daray looga hortagayaa inay dhaq-dhaqaaq sameeyaan.

Cali Maxamed Raage waa afhayeenka Al-Shabaab, laakiin qoraalka kasoo baxay Wasaaradda laguma sheegin xilka uu ka hayo Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Mareykanka uu kula dagaalamayo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ugu hanjabtay shirkad ama shaqsi kasta oo la macaamila labadan shaqsi ee liiska argagaxisadda ay ku dartay.

Mareykanka ayaa horey cunaqabateyn u saarey hogaamiyeyaal sare oo katirsan Kooxda, wuxuuna qaarkood madaxooda dul dhigay lacag maalyiin dollar ah, oo loo balan-qaadey cidii soo sheegto xog horseedaysa in la dilo ama lasoo qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.