Xubno katirsan Al-Shabaab oo si qarsoodi Xabsiga looga sii daayay

Saraakiil sare oo katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xilalka laga qaadey, waxaana la dhigay Xabsiga.

Warar Keydmedia Online
Xubno katirsan Al-Shabaab oo si qarsoodi Xabsiga looga sii daayay

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Saraakiil sare oo katirsanaa Maamulka Deni xilalkii laga qaadey kadibna Xabsiga la dhigay.

Wuxuu sheegay in Saraakiisha ay xabsiga si qarsoodi ah uga sii daayeen xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo Ciidamada amaanka Puntland ay howlgallo kusoo qabteen iyagoo maleegaya weeraro argagaxiso.

Ma uusan shaacin magacyada iyo tirada Saraakiisha la xiray.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in magaaladda Gaalkacyo odayaasha ku dhaqan ee kasoo jeeda Puntland ay si dhaw ula shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay amarada ka qaataan.

Isagoo hadalka sii wata, Wasiirka ayaa tilmaamay in Sirdoonka Puntland uu dhageystay Taleefonka odayaasha la hadla sida joogtada ah Al-Shabaab, isagoo kula taliyay inay ka waantoobaan xiriirka Kooxda argagaxisadda.

Puntland waxaa sanadihii dambe ku xoogeysanayay weerarada Al-Shabaab oo Madax sare lagu dilay, waxayna Kooxda saldhigo ka sameysatay Buuraha Galgala, waxayna canshuur ka qaadaa Ganacsiga Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.