Xubno ka socda Dowladda oo Safar ku maraya Gobolka Galgaduud

Muqdisho (KON) - Degmada Cabuudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa hakaas waxaa Maantay gaaray Wefdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo u kuurgalidoona heerka Hormar ee Gobolada dhexe.
Warar Keydmedia Online
Xubno ka socda Dowladda oo Safar ku maraya Gobolka Galgaduud

Wafdigan oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa maqribnimadii xalay gaaray degmada Cabuudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxeyna kulamo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo tababarrada ee wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka Badda Dekedaha iyo tamarta C/llaahi Maxamuud Cali oo ka mid ah xubnaha wafdigaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada socdaalkoodqa ay tahay iyagoo waday Barnaamijka loogu magacdaray "New Dail" oo wadankoo dhan ka socday kaas oo sida ay sheegeen ay ka soo qabteen gobollada Shabeellooyinka.

Wafdigan booqanaya gobollada dalka ayaa isugu jira mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha dalka kuwaas oo uu hoggaaminayao Abuukar Cismaan ‘’Looxoow’’ oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda.

Keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.