Xujooyinka siyaasadeed ee Xasan Sheekh hor-yaalla

Lix qodob ayaa xujo siyaasadeed ku ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo lagu qiimeyn doono sida uu xal ugu helo.

Warar Keydmedia Online
Xujooyinka siyaasadeed ee Xasan Sheekh hor-yaalla

MUQDISHO, Soomaaliya - Afarta sano ee soo aaddan, waddanka waxaa hoggaamin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii aysan qaddartii Alle imaan.

Xasan, ma wuxuu ka jawaabi doonaa dareenka bulshada ee qabyo-tiridda ku qotoma, mise wuxuu xilka banneyn doonaa isagoo waajibaadjiisu qabyo yihiin?

Ma wuxuu xulan doonaa shaqsiyaad, karti iyo awood u leh howlaha hor-tabinta u baahan?, mise, wuxuu isku xeeri doonaa saaxiibadiis iyo kooxdiisa siyaasadeed iyo xisbigiisa UPD?

Maka dhabeyn doonaa, hal-heyskiisa ah, “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”? mise, wuxuu kursiga banneyn doonaa isagoo dalka iyo dunidaba u eedeysan?

Xasan waa cabqari siyaasadeed iyo waayo-arag faham xooggan ka heysta mashkiladaha ka aloosan dalka, waxaana mar labaad loo doortay hoggaanka ugu sarreeya waddanka, taasoo ka dhigan record isaga u gaar ah.

Ku soo laabashadiisa xilka, waxa ay rajo galisay Soomaali badan oo si weyn uga niyad-jabsanaa xasillooni la’aantii siyaasadeed ee jirtay sanadihii la soo dhaafay, waxaana hor yaalla shaqooyin deg-deg uga jawaabid u baahn, si dhiig-baxa dalka loo joojiyo.

Lix qodob ayaa xujo siyaasadeed ku ah, Xasan Sheekh, kuwaas oo lagu qiimeyn doono sida uu xal ugu helo.

1 - Isku dumidda dadka [Dhab u heshiisiin], 2 - Amniga dalka, 3-Dhammeystirka Dastuurka, 4- Dhismaha Maxakamadda dastuuriga, 5- Diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah, 6- Maqaamka gobolka Banaadir, Lixdaan qodob, waa in Xasan xal u helo inta uusan dhamaan Mandate-kiisa.

Xasan waa inuu la yimaado qorshe cad oo dhab-u-heshiisiinta, ku qotama, gaar ahaan isku dumidda dadka shantii sano ee la soo dhaafay si aan hore u dhicin loo gala geeyay.

Sidoo kale, waa inuu keeno qorshe amni oo buuxa, kaasoo dalka looga saarayo ATMIS, amniga lagu wareejinayo Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qodobkaan saldhig u ah, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Caqabadaha siyaasadeed ee dalka waxaa unug u ah, dastuurka oo qabyo ah, taasoo sababtay isku milanka awoodaha, waana lama huraan in la dhameystiro, si looga gudbo murannada siyaasadeed.

Si xal loogu helo, go’aan ka gaarista murannada dastuurka, waa in waddanku yeesho Maxkamad Dastuuri ah. Sidoo kale, MW Xasan, waxaa looga fadhiyaa Diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah, si looga gudbo doorashada dadban ee shacabku aadka u dhibsaday.

Maqaamka gobolka Banaadir, ayaa dhankiisa ah qodob xujo ku ah Xasan Sheekh, waana lama huraan ku dhawaad in 4-ta malyan ee ku nool Caasimadda helaan maqaam iyo matalaad rasmi ah.

Dhanka kale, Bulshadu waxa ay si weyn indhaha uu hayaan, habdhaqanka nimaadka cusub iyo waxa uu uga duwnaan doono midkii hore.

Xasan Sheekh, wuxuu Dowladdii hore, ku dhaliilay, in ay qarash xooggan galiyeen CBB, baraha bulshada ku amaanta, siyaasiyiinta ka ra'yiga duwanna caaya, jidkaas miyuu isna qaadi doonaa, oo ma canshuurta caasimadda ayuu cayaan dadka u caaya ku biili doonaa?

Ciidanka ma wuxuu u adeegsan doonaa dano gaar ah, oo ma Dal-jirka ayuu difaac ka galin doonaa, sidii Farmaajo, mise shaqooyinkooda ayuu u jeheyn doonaa?

Jidadku ma sida ay hadda yihiin ayay u sii xirnaan doonaan? Mise umadda caddibaadda waa laga dul-qaadi doonaa?

Caasimadda kaliya miyay canshuurtu ku ekaan doontaa? Mise dalka oo dhan oo laga qaadi doonaa?

Xasan Sheekh, labo waddo middood ayaa u faran, mid waa jidkii qodxaha badnaa ee Farmaajo haadaanta ka tuuray, midna waa mid nabadeed iyo odaytannimo. Badbaadada dalku waxa ay ku jirtaa inuu curin caafimaad qabta la yimaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.