Xukun lagu riday Raggii ka qeyb qaatey weerarkii Xabsiga Dhexe

Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa maalintaas weerarka ka dhacday Xabsiga Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Xukun lagu riday Raggii ka qeyb qaatey weerarkii Xabsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Militeriga Soomaaliya, ayaa xukuno kala duwan ku riday 11 qof, oo lagu helay dembi ah inay ka qeyb qaateen weerarkii 10-kii August 2020 lagu qaadey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa maalinta weerarka Xabsiga Dhexe, iyadoo kuwa kale ay yihiin xubno katirsan Al-Shabaab, oo mid kamid ah baxsadey, kaasoo lagu xukumay dil toogasho ah, isagoo maqane ah.

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey, 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday raggan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.