Xukuumadda iyo xasillinta degaannada laga xoreeyey

Wasaaraduhu waxa ay soo bandhigeen in degaannadu u baahan yihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama Al-Shabaab muddo cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda iyo xasillinta degaannada laga xoreeyey

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta degaannada laga xoreeyey Kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada Dowladda ee muhiimka ah.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshahooda ku aaddan adeegyada ay u baahan  yihiin bulshada ku dhaqan degaannada laga xoreeyey Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Wasaaraduhu waxa ay soo bandhigeen in degaannadu u baahan yihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama Al-Shabaab muddo cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.