Xukuumadda iyo Shirkadaha isgaarsiinta oo is haya

Muqdisho (keydmedia) Warar lagu kalsoonyahay oo aynu ka kala helnay dhinacyada xukuumadda iyo shirkadaha isgaarsiinta ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muran uu soo kala dhex galay shirkadaha iyo wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta dowladda C/kariin Xasan Jaamac ayaa dhawaan shir ugu yeeray mas’uuliyiinta shirkadaha isgaarsiinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho, waxaana  uu ugu baaqay shirkadaha in ay soo celiyaan isticmaalka furihii Dal ku galka Soomaaliya (+2521).

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Shirkada Nation oo ka mid ah shirkadaha magaalada muqdisho ka howl gala in ay soo bandhigto qaab howleedka adeega telfoonka Turaayo  ee ay shirkadaasi bixiso.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Nation, Hormuud iyo Telecom ee ka howl gala koonfurta Soomaaliya waxa ay badaleen furihii Dal ku galka Soomaaliya iyagoona kala qaatay furayaasha kala ah +252699, +25261, +25262 sida ay u kala horeeyaan.

Wasaaradan ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso sameynta nidaam ay kula soconeyso dhaqdhaqaaqa adeega telfoonada ay bixiyaan shirkadaasi, waxaana la aaminsanyahay ujeedada arinkan ka danbeysa in ay tahay iyadoo dowladda ay aaminsantahay shirkadahan qaarkood in ay gacan saar shaqo la leeyihiin xoogaga dowlada la dagaalama.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.