Xuseen Xaaji Axmed “ 50 Soomaali ah ayaa Xadka yamen iyo Sacuudiga ku dhimatay”

Sanca(Keydmedia) Qunsul ku xigeenka Safaarada Soomaalida ee Yamen ayaa shaaca ka qaaday in seddexdii bilood ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen xadka u dhaxeeya Yamen iyo Sacuudiga.
Warar Keydmedia Online

Dadka geeriyooday ayuu sheegay Xuseen Xaaji Axmed in ay ahaayeen kuwa ka baxsaday colaada ka taagan Soomaaliya isla markaana ku fakarayay in nolal ka duwan tan Soomaaliya taala ay ka sameestaan dalalaka Yamen iyo sacuudiga.

“Xaqiiqan shaqo iyo nolal midna ma taalo Yamen iyo Sacuudiga, waxaan u sheegayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibeysa  in ay Dalka iska joogaan isla markaana nasiibkooda ay sugtaan” sidaa waxaa yiri Xuseen Xaaji Axmed.

Hadalkan ka soo baxay safaarada Soomaalida ee Yamen ayaa imaanaya xili dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay ku sii qolqolayaan Yamen iyo sacuudiga iyagoo ka baxsanaya colaadaha ka taagan Soomaaliya.

Qunsul ku xigeenka waxa uu sheegay in dad badan iminka aan meelna lagu sheegin, waxaana uu tilmaamay in dadkaasi qaarkood lagu shaqeysto.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.