Xuska maalinta kansarka adduunka oo Muqdisho lagu qabanayo

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabanayaa xuska maalinta kansarka adduunka, xilli xanuunka kansarka ay dhibane u yihiin Soomaali fara badan.

Warar Keydmedia Online
Xuska maalinta kansarka adduunka oo Muqdisho lagu qabanayo

MUQDISHO, Soomaaliya- Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta kansarka adduunka, waxaana si dalalka kale ee caalamka la mid ah, maanta laga xusayaa gudaha Muqdisho.

Kansarka ayey sanadihii ugu danbeeyey si weyn u saameeyey bulshada Soomaaliyeed, waxaana jira dad badan oo uu galaaftay iyo kuwa iminka la nool.

Munaasabada looga hadlayo khatarta xanuunkan iyo sida bulshada ay uga feejignaan karto ayaa galabta lagu wadaa in lagu qabto gudaha caasimadda, waxaana munaasabadan soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka xukuumada xil-gaarsiinta.

Munaasabada maanta ka dhaceysa Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona, dhaqaatiir, xubno ka tirsan gollaha wasiiradda, iyo bukaano sanadihii ugu danbeeyey xanuunka la il darnaa.

Xuska Maalinta Xanuunka Kansarka ee Aduunka oo ku beegan 4-ta  Febraayo, waxay ay astaan muhiim ah u tahay xoojinta dadaalka loogu jiro in lala tacaalo xanuunkan, kaas oo sanadihii ugu danbeeyey khatar weyn ku ahaa guud ahaan caalamka.

Munaasabadaha maanta oo kale la qabanayo, ayaa diirada lagu saaraa in la wacyi galiyo kuwa qaba cudurka iyo kuwa uusan weli haleelin, waxaana hal ku dhiga sanadkan uu yahay, "Haqabtirka adeegga caafimaadka iyo daryeelka dadka qaba xanuunka kansarka"

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.