Yaa ka danbeeyay dilkii Eng Yarisow iyo Ikraan Tahliil?

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay in Fahad Yaasiin, uu masuul ka ahaa dilkii AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana uu jidkaas marsiin doono qof kasta oo xog haya, ka hor inta uusan Fahad xilka banneyn.

Warar Keydmedia Online
Yaa ka danbeeyay dilkii Eng Yarisow iyo Ikraan Tahliil?

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, oo ka mid ah dadka sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa taliska NISA, ayaa sheegay in Fahad Yaasiin, uu masuul ka ahaa dilkii AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ehelkeedu sheegeen in ay ku tabayaan hoggaanka NISA.

Gen Cabdalla, wuxuu sheegay in Ikraan Tahliil, ay sababsatay xog ay heysay oo la xariirta dilkii Guddoomiyihii Goboolka Banaadir Injineer Yariisow, isla markaana ay Fahad iyo Farmaajo qorsheeyeen in ay meytiyaan ruux kasta oo xog ka haya dilkii duqii caasimadda.

“Eng Yariisow AUN dhaawiciisa Fahad inta Doha uga dabatagay ayuu soo hubsaday geeridiisa, wuxuu ahaa qofkii ugu danbeeyay ee ugu galay qolka ICU Hospitalka, qof walba oo xogtaas waxyar ka ogna waddadaas ayay Fahad iyo Farmajo u qorsheeyeen, Ikraan Tahliil waxay ka mid ahayd dadka xogtaas wax ka ogaan kara”. Ayuu yiri Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda NISA.

Gen Cabdalla, wuxuu xusay in Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis, ay ceeb Ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, isla-markaana aysan jirin RW, Wasiir iyo Masuul kale heerkuu doono ha ahaadee diyaar u ah inuu wax ka qabto nasiib darrada ku habsatay nidaamka Dowladnimada dalka.

Dhawaan wuxuu dhallinyarada ugu baaqay in mid kasta oo haya xog xasaasi ah uu reebo, ka hor inta aysan qaadin seefta Fahad, uu ku doonayo inuu ku laayo dhamaan shaqaalaha sirta hayay ee loo adeegsan jiray dilalka, aasidda iyo wixii la xariira.

“Fadlan walaal haddii aad jab xog ah hayso la wadaag qofka aad ku kalsoontahay, si haddii aad dhimato raadkaas u lumin, xogta dhibanayaasha aad ogtahay waa muhiim in aadan la dhiman!. Waajib ayaa naga wada saaran muwaadiniinta iyo dalkeena”. Ayuu yiri Cabdalla.

Gen Cabdalla, ayaa hore Cabdullahi Aadan Kullane (Jiis) ugu eedeeyay dilkii Maxamed Muktar, oo ahaa sargaal ka tirsanaa ciidanka Dowladda oo meydkiisa laga dhex helay goob lagu aaso qashinka, nawaaxiga xerada General Kaahiye oo kutaalla Muqdisho.

KEYDEMDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.