Yaa kusoo baxay doorashadda Jubbaland?

Axmed Madoobe ayaa gacantiisa kusoo xulay dadka u tarmay kuraasta 8-da ah ee Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Yaa kusoo baxay doorashadda Jubbaland?

KISMAAYO, Soomaaliya - Afar Senator oo ka harsanayd 8-da kursi ee Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare ayaa Maanta lagu doortay Kismaayo, kuwaasoo labo kamid ah dumar yihiin.

Doorashadda oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka, ayaa waxaa codeeyay Xildhibaanada Jubbaland, kuwaasoo dhaqaale badan ka sameeyay codka ay siiyaan Musharixiinta BFS.

Kursiga 1aad waxaa ku guuleystay Xasan Daahir Yarow oo ka adkaaday Cabdi Xuseen Cali, halka Ibraahim Awgaab uu garaacey isna Farxiya Macalim si uu ugu fariisto kursiga lixaad.

Labo haween ah ayaa u tartamay kursiga 7aad, kuwaasoo kala ah Layla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh. Xareedo ayaa kusoo baxday doorashadda.

Kursigii 8aad oo isna haweenka loo xiray ayaa waxaa ku guuleysatay musharax Maryan Faarax Kadiye oo ka adkaatay Samsam Maxamed Bishaar.

Axmed Madoobe oo gacantiisa kusoo xulay dadka u tarmay kuraasta 8-da ah ee Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, ayaa Madaxtooyadda ku qaabiley afarta Senator ee la doortay.

Waxaana halkan kusoo dhamaadey doorashadda kuraasta Jubbaland ee Aqalka Sare, taasoo mudo labo bilood ah dib u dhac ku imaanayay, sababo la xiriirka khilaafka siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.