Yaya Toure oo ku guuleestay xidiga Qaarada Africa

Stockholm (Keydmdia) - Laacibka Kooxda Man City iyo Xulka Ivory Coast Yaya Toure ayaa loo caleemo saaray xidiga Sanadka 2011 ee Qaarada Africa.
Warar Keydmedia Online

Yaxya Toure ayaa uga guuleystay abaal marinta laacibiinta kala ah Seydou Keita, oo u dhashay dalka Mali kana tirsan kooxda Barcelona iyo weeraryahanka dalka Ghana  Andre Ayew oo afka hore uga ciyaara naadiga Olympique Marseille.

Toure, oo ah 28 jir ayaa waxaa doortay tababarayaasha iyo kabtanada xulalka Qaarada Africa.

“Tani waa abaal marinti ugu sareysay ee aan abid ku guuleysto inti aan ku guda jiray xirfadeyda kubada cakta,” sidaa waxaa munaasabadi abaal marinta ka yiri Toure oo kooxdiisa City ka caawiyey in ay qabato hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Waxaa lagu xasuustaa goolkii guusha ee ay City ku qaaday koobka FA Cup bishi May kaasi oo uu isaga u dhaliyey ciyaaryahankaan.

Isaga oo qiireysan ayuu hadal ka jeediyey munaasabadi maanta ee ka dhacday xarunta xiriirka ee Cairo, waxa uu yiri “Manata waxay ii dahay maalin gaar ah waxaana ay igu dhiiri gelineysaa in aan guulo ka keeno koobka Qaramada Africa ee sanadka soo aadan,”

Xidiga da,da yar ee kooxda Tottenham Souleyman Coulibaly ayaa loo aqoonsaday xidiga ugu wanaagsan laacibiinta Africa ee soo koreyso, halka laacibka kooxda Esperance ninka la yiraahdo Oussama Darragi loo aqoonsaday xidiga Africa ee ciyaaryahanada gudaha ka ciyaaro.

Xulka Cameroon ee gabdhaha ayaa loo aqoonsaday xulka ugu fiican Africa, halka gabadha u dhalatay dalka Nigeria ee Perpetual Nkwoche loo magacaabay xidigada sanadka ee gabdhaha Africa.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.