General Yusuf Maxameed Siyaad [Indhacadde] oo ah rug-cadda muddo ku soo dhex jiray Hoggaanka Ciidanka, ayaa wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyay, warbaahinta Keydmedia Online. Tani waa Qeybta koowaad ee Wareysiga oo uu uga hadlayo munaasabadda lagu xusayo 62 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka oo la filayo in berri lagu qabto caasimadda.