27 sano kadib, askari Mareykanka ah oo lagu dilay Muqdisho

Michael Goodboe, oo ahaan jiray Navy SEAL, wuxuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar argagixiso oo ka dhacay Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
27 sano kadib, askari Mareykanka ah oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa CIA-da ayaa toddobaadkan u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen laba qof oo wax ka ogaa weerarka.

Waxa uu noqonayaa Mareykankii ugu horreeyay ee la ogyahay in lagu dilay weerar ka dhacay Muqdisho tan iyo dagaalkii 1993 ee Black Hawk Down, kaasoo lagu dilay 18 askari oo American ah.

Michael Goodboe, oo 54 jir ayaa kasoo mid noqday Ciidanka gaarka Mareykanka ee Navy SEAL, isagoo markii dambe ku biiray Sirdoonka ee CIA-da, oo uga howlgali jiray dalka Soomaaliya.

Wuxuu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray qarax ka dhashay miino oo ka dhacay gudaha Magaaladda Muqdisho, sida ay sheegeen labada ilo-wareed oo geeridiisa xaqiijiyay.

Weerarka lagu dilay Goodboe waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeyso Al-Shabaab, inkasta oo faahfaahintu wali caddeyn. Mid ka mid ah dadkii wax ka ogaa weerarka ayaa sheegay in Goodboe loo duuliyay Jarmalka, halkaas oo Mareykanku ku leeyahay isbitaal milatari, markii dambena uu u dhintey dhaawicii soo gaarey.

CIA ayaa diiday inay ka hadasho. Qoyska Goodboe kama aysan hadlin sidoo kale geerida wiilkooda. Wargeyska New York Times ayaa markii ugu horeysay soo wariyay geerida laakiin ma uusan cadeyn magaca sarkaalka CIA ee la dilay.

Goodboe, oo asxaabtiisa u yaqaaneen "Goody", wuxuu horey xubin uga ahaa Navy SEAL Team 6, sida ku cad diiwaanka militariga. Goodboe wuxuu ka tagay Navy SEAL dhowr sano ka hor wuxuuna ku biiray waaxda sirdoonka ee CIA isagoo qandaraasle ah, sida laga soo xigtay mid ka mid ah ilaha aqoonta u lahaa.

Geerida Goodboe waxay imaaneysaa iyadoo Trump uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka qaado Soomaaliya ku dhawaad 700 oo askari, kahor inta uusan xafiiska ka tagin bisha January 2021. Mareykanka ayaa howgallo qarsoodi ah ka fuliyay Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano. Amarka Trump wax saameyn ah kuma yeelan doono joogitaanka CIA-da ee dalka.

Bishii September 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga Mareykanka ku leeyahay Balidoogle, oo qiyaastii 62 mayl waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho, halkaas oo uu ku dhaawacay hal askari oo Mareykan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.