Warar Keydmedia Online | 7 January 2011

Muqdisho(keydmedia) Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha dowladda KMG ah Ibraahim Xasan yarrow ayaa ku dhaliilay kooxda Shabaab ee dowlada la dagaalanta in ay lacago macna ahaan ah canshuur ay ka qaadaan dadka aan masaajida tagin xiliga ay iyagu rabaan.

Warar Keydmedia Online | 6 January 2011

Muqdisho(keydmedia) Waxaa aad ugu soo qulqulaya gudaha magaalada Muqdisho dhalinyaro ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya oo ka soo carartay cadaadiska Faroole maamulkiisa uu ku hayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online | 6 January 2011

Galkacyo(keydmedia) Maamulka Galmudug ee ka taliya koonfurta Magaalada Galkacyo ayaa ku baaqay in la joojiyo colaad ka soo cusboonaatay deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn.

Warar Keydmedia Online | 6 January 2011

G.dhexe(keydmedia) Wararka laga helayo gobalada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi oo ay abaar ka jirtay xili hore ay iminka ku soo qolqolayaan dad ka soo barakacay Abaar ku dhifatay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay gumeysato.

Warar Keydmedia Online | 6 January 2011

Muqdisho(keydmedia) Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye qeybta taageersan dowladda Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa sheegay in nidaam howleedka gudiga dastuurka uu yahay mid aan lagu qanci Karin iyadoo dadaal loogu jiro sidii mudo bil ah loo kaamili lahaa Dastuurka.

Warar Keydmedia Online | 6 January 2011

Xarardheere(keydmedia) Dadka ku nool degmada xarardheere ee gobalka mudug ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yihiin amaro ay kooxda Shabaab ku soo rogtay dadka ku nool deegaankaasi.

Warar Keydmedia Online | 5 January 2011

Galkacyo(keydmedia) Wararka laga helayo dhanka Waqooyi ee magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saakay nabadoon ka soo jeeda deegaankaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Warsame Islaan Faarax.

Warar Keydmedia Online | 5 January 2011

Baydhabo(keydmedia) Xubno ka tirsan qoyska Wiil kooxda Shabaab shalay galinkii danbe ay gacan iyo lug isdhaaf ah uga jareen magaalada Bayadhabo ayaa sheegay in wiilkooda uu ka madax adeegay ka mid noqashada kooxdaasi taasina loo daliishaday xukunka lagu riday

Warar Keydmedia Online | 5 January 2011

Muqdisho(keydmedia) Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin hey’adaha sheegta magaca samafalka gaar ahaan kuwa Qaramada midoobay.

Warar Keydmedia Online | 5 January 2011

Mudug(keydmedia) Deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara oo juquraafi ahaan koonfurta gobalka mudug ayaa shaqaaqo beeleed waxay ku dhex martay beelo deegaanadaasi wada daga oo xoolo dhaqato ah.

Warar Keydmedia Online | 5 January 2011

Sh.hoose(keydmedia) Shabaabka Sh.hoose ayaa shalay galinkii danbe ku karbaashay degmada walaweyn ee gobalka Sh.hoose gabar ay ku eedeeyeen fal Zina ah.

Warar Keydmedia Online | 4 January 2011

Muqdisho(keydmedia) Wafdi uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agostine Mahiiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.