Abaarta ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo sii baaheysa

Xaalad adag ayey xilligan wajahayaan dadka ku dhaqan, deeggaano badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, waxaana xooggeysatay abaartii ka jirtay goobahaasi, iyadoo iminka kiisas dhimasho ah la soo werinayo.

Warar Keydmedia Online
Abaarta ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo sii baaheysa

KISMAAYO, Soomaaliya - Tan iyo billowgii sannadkan 2021 meelo badan oo dalka kamid ah, waxaa ku dhufatay abaar ba'an, taasoo cagta marisay dad iyo duunyaba, waxaana goobaha ugu darran ay yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Abaarta oo marba heer joogtay ayaa waqtigan mareysa heerkeedii ugu xumaa, iyadoo gaajo iyo haraad uu 48-dii saac ee ugu danbeysay, galbeedka Kismaayo ugu geeriyooday wiil 12-jir ah.

Waxaa sidoo kale laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Tuulooyinka, Buulo Xaaji, Cabdalla Biroole iyo degaannada kale ee u dhaxeeya Magaalada Kismaayo iyo Hoosingow, kuwaasoo la sheegayo in marxalad halis ah ay ku sugan yihiin.

Abaarta ayaa keentay in ay yaraadaan tacabka beeraha, islamarkaana ay dhamaadaan xoolihii ay dadkaasi lahaayeen, waxaana iminka khatar ku jirta naftooda, sababtoo ah wax ay cunaan iyo biyo ay cabaan ma haystaan.

Dadka qaar ayaa sheegaya in arintan ay salka ku heyso isbadalka Cimilada, maadaama sannadkan uusan di'in roobabkii la filayey, waana mid sii jireysa ilaa billowga sannadka soo socda, sida ay saadaalinayaan hay'adaha UN-ka.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan goobaha abaarta ba'ani ka jirto oo warbaahinta Keydmedia la hadlay, ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay'addaha gargaarka ka dalbaday in lala soo gaaro gurmad wax ku ool ah, si xaaladooda ay uga roonnaato halka ay maanta joogto.

Abaarta Jubbaland ka jirta waxay kasii dartay markii kumanaan qof oo kasoo cararay abaar kale oo waqooyiga Bari Kenya ku dhufatay ay soo gaareen Gedo iyo Jubbada Hoose, kuwaasoo raadinaya biyo iyo daaq, maadaama ay yihiin xoolo-dhaqato.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.