Afgembi MAYA, Doorasho HAA - RW Rooble

Ciidanka ayaa lagu amray inaysan ka amar qaadan karin Farmaajo, maadaama uu rabo inuu dalka ku burburiyo, oo ku afduubo doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Afgembi MAYA, Doorasho HAA - RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa tan iyo xalay Muqdisho ka socda xaalad jahwareer ah kadib markii Farmaajo isku-day afgembi sameeyay mar kale sanadkan gudihiisa, kaasoo fashilmay.

Ciidamo taabacsan ayaa saakay kahor istaagey Ra'iisul Wasaaraha Rooble inuu galo Xafiiskiisa shaqada, kuwaasoo sidoo kale xiray jidka isku xirta Villa Somalia iyo Garoonka diyaaradaha.

Rooble ayaa shir jaraa'id oo uu qabtey ku eedeeyay Farmaajo inuu kusoo duulay xafiiskiisa, islamarkaana uu damcay inuu wadanka afgembiyo, isagoo adeegsanaya awoodda Ciidanka.

Rooble ayaa amar ku siiyay Ciidanka inaysan hadda kadib ka amar-qaadan karin Farmaajo oo sida uu sheegay doonayo inuu askarta qaranka ku burburiyo hay'adaha dowliga iyo sharciga.

Waxaa tahay Musharax, waxba kama duwanid Musharixiinta kale, meel gees ah istaag, oo u tartan kursiga.... Afgembi Maya... Doorasho Haa," ayuu Rooble yiri.

Rooble ayaa adeegsadey kelmada Madaxweynihii hore, marka uu la hadlayay Farmaajo, oo hadda khilaafkooda meeshii ugu xumayd maraya, oo la isku Ciidan aruursanayo Muqdisho.

Mucaaradka ayaa si buuxda u taageeray Rooble, waxayna kasoo horjeesteen go'aanada Farmaajo soo saarey, oo ku tilmaameen waali iyo wax aan la aqbali karin.

Axmed Maclin Fiqi: Farmaajo wuxuu gaaray meeshii ugu danbaysay ee uu u socday oo ahayd in uu asagu is afgambiyo, waxaana ku xigta inuu xafiiska iska soo saaro!

Farmaajo ayaa shaqo joojinta uu ku sameeyay Rooble kala kulmay diidamo gudaha iyo dibadda, waxaana hadda uu ka fekerayaa tallaabada xigta go'aankiisa laga soo horjeestay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.