Agaasimaha NISA oo safar qarsoodi ah ku tagey G/Gedo

Gedo waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq Ciidan oo uu wado Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Warar Keydmedia Online
Agaasimaha NISA oo safar qarsoodi ah ku tagey G/Gedo

DOOLOW, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Doolow ee xadka Kenya gaarey Agaasimaha NISA Mahad Salaad, oo ay wehliyaan Saraakiil kale oo katirsan hay'adda Sirdoonka dalka.

Ujeedka socdaalka aan horey loo shaacin ayaa la xiriira isbedelka uu Mahad Salaad ku sameynayo Ciidanka NISA ee ka howlgalka Gobolka Gedo, oo maalmo kahor taliye cusub uga dhigay Jen Jamaal Xasan Sareey.

Mahad Salaad waxaa magaaladda Doolow uga horeeyay oo maalmihii dambe ku sugnaa Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Senator Fartaaq, oo dhaq-dhaqaaqyo kawaday.

Agaasimaha NISA ayaa kulamo kula leh magaaladda taliska cusub ee u magacaabey Gedo Jeneraal Jamaal iyo ku-xigeenadiisa, kuwaasoo isaga inta uu joogay xilka iyo shaqada la wareegaya.

Jeneraal Jamaal ayaa bedelaya Bakaal Kooke, oo duleedka Doolow qarax Miino lagu dilay Todobaadkii tagey, waxaana dhimashadda Taliyaha ay dhalisay shaki iyo su'aallo badan, iyadoo lagu eedeeyay Itoobiya inay ku lug lahayd.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ka kulmi doono taliyeyaasha militeriga iyo Ciidanka kale, isagoo kala hadli doono dagaalka dowladda qorsheynayso inay ku qaado Al-Shabaab-ka ku sugan qeybo kamid ah Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.