Al-Shabaab lagu laayay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa dilay ugu yaraan 189 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab kadib weerar qorsheysan oo lagu qaaday goob ay ku shirayeen.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab lagu laayay Shabeellaha Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Uganda ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Jimcihii shalay ku sheegay in ay weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee tuulada Siigaale oo qiyaastii 100 kiilomitir Koonfur Galbeed ka xigta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in sidoo kale howlgalka goobaha laga fuliyay ay ku jiraan tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka, oo lagu burburiyey agab milatari oo ay lahayd Al-Shabaab, waxaana lagu soo qabtay labo taliye oo ka tirsan kooxdaas, kuwaas oo lagu wareejiyey Ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Uganda "ma aysan la kulmin wax khasaaro ah dhimasho iyo dhaawac ah, mana jirin dad rayid ah oo wax ku noqday howlgalka," ayaa lagu yiri bayaanka, oo soo xigtay, Brig. Don Nabasa, oo kamid ah taliyeyaasha Ugandha ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda,  oo la yiraahdo Col. Deo Akiiki, ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalka subaxnimadii jimcaha ay diyaarado dagaal ka qeyb qaataeen.

Sida warbixinta lagu sheegay Sanadkii 2015, Kooxda Al-Shabaab weerar xoogan oo ku qaaday saldhigga Ciidanka Uganda ee Jannaale ayaa waxaa ku dhintey tobanaan askari, in kasta oo Al-Shabaab ay tiro intaas ka badan sheegtay in ay dileen.

Ciidamada Midowga Afrika oo tiradoodu dhan tahay 19,000 oo askari ayaa lagu wadaa inay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadka isla markaana ay mas'uuliyadda amniga dalka ku wareejiyaan Ciidamada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.