Al-Shabaab oo gantaal North Korea ku weerartay xarunta UN-ka

Warbixinta gudiga khubaradda Gollaha Amaanka ayaa warbixintiisa lagu soo bandhigay sawiradda gantaalka, oo noociisu yahay 60-mm HE type 63.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo gantaal North Korea ku weerartay xarunta UN-ka

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa u isticmaashay gantaal lagu sameeyay Kuuriyada Woqooyi weerar ka dhan ah xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho horaantii sanadkan, taas oo calaamad u ah heshiisyada hubka ee labada dhinac.

Warbixinta Gudiga khubaradda Gollaha Amniga ee soo baxday 28-kii bishii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab lix weerar oo hoobiyeyaal ah ku qaaday garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee ku yaalla Muqdisho, intii u dhaxeysay Febraayo iyo May, 2020.

"Labo hoobiyeyaal oo 60-mm ah oo aan qarxin ayaa la helay weerarkii kadib 17-kii Febraayo 2020. Mid wuxuu leeyahay astaamo [60-mm HE type 63] caddeynaya in lagu sameeyay Kuuriyada Waqooyi," guddiga ayaa sidaas yiri.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inuu kamid yahay dalalka hubka ka iibiya Al-Shabaab.

Sannadkii 2017-kii, Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Kuuriyada Woqooyi inay tahay dowlad hubka si qarsoodi ah uga iibisa argagixisada kadib markii ay go’aansatay in ay "si isdaba joog ah" u siiso taageero ficillada argagixisada caalamiga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.