KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Weerarka maanta lagu qaaday Garoonka diyaaradaha ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo in magaalada Jowhar ay ka bilaabato doorashada Aqalka Hoose.
JOWHAR, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar Maanta oo Khamiista ah, sida ay sheegayaan Saraakiisha amniga.
Kooxda ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, oo ay la bartilmaameedsatay Ciidamada Burundi ee saldhigga ku leh Garoonka, oo ah meel muhiim u ah Maamulka HirShabeelle.
Waa weerarkii 2aad oo Al-Shabaab la eegato garoomada diyaaradaha ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe mudo labo bilood gudahooda.
19-kii November, Al-Shabaab ayaa qarax miino ka fulisay garoonka diyaaradaha Buulo Burde, kaasoo uu ku dhintay 1 qof, sidoo kalena ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 kale oo shacab ah.
Weerarka maanta lagu qaaday Garoonka diyaaradaha ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo in magaalada Jowhar ay ka bilaabato doorashada Aqalka Hoose.
Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay qaaday weeraro abaabulan oo ay ku bartilmaameedsanayaan xarumaha rayidka iyo kuwa ammaanka, xilli ay dalka ka socoto doorasho.
KEYDMEDIA ONLNE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.