AMISOM oo Shacab ku dishay Gobolka Sh/Hoose

Duqeynta waxay ka dhacday degaanka Mushaani, oo aan ka fogeyn Janaale, oo sanadkii tagey Kooxda Al-Shabaab laga saarey.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo Shacab ku dishay Gobolka Sh/Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo caruur ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen weerar madaafiic ah oo AMISOM ku qaadey xalay degaan lagu magacaabo Mushaani, oo ku dhaw Janaale, oo Shabeellaha Hoose katirsan.

Hooyada Caruurta ayaa sidoo kale ku dhaawacantay duqeynta AMISOM ay goobaha shacabka ku sameysay, iyadoo saakay lasoo sheegayo in Ciidamada dowladda ay gaareen degaanka oo inta badan Al-Shabaab maamusho.

Taliska AMISOM ee fadhiya Xalane wali kama uusan hadlin khasaaraha shacabka kasoo gaarey madaafiicdooda, waxaana jirin isla-xisaabtan lagu sameeyo Ciidanka ajnabiga ah ee dhibaatooyinka ka geysta Soomaaliya, kuwaasoo askarta Mareykanka ay kamid yihiin.

Janaale waxay ku jirtaa gacanta dowladda, kadib markii sanadkii lasoo dhaafay laga saarey Al-Shabaab mudo ka badan 10 sano maamuleysay, waxana kamid ahayd tuulooyin dhowr ah oo ku teedsan duleedka Afgooye oo lala wareegay dhawaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.