Magaalada Jawhar oo cabsi laga dareemayo

Ciidamo isagu jira AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa lagu daadiyay wadooyinka soo gala magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Magaalada Jawhar oo cabsi laga dareemayo

JOWHAR, Soomaaliya - Cabsi ayaa soo foodsaarey dadka ku dhaqan magaaladda Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo dhawaan qaraxyo dhowr ah ka dhaceen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay inay helaan xog sheegaysa inay Kooxda Al-Shaabab maleegayso weeraro argagaxiso inta lagu guda jiro doorashadda Aqalka Sare.

Si looga hortaga dhagarta Al-Shabaab, waxaa wadooyinka lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah, oo isagu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo sugaya amaanka Jowhar.

Waxaa ku sugan magaaladdan, oo 90-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho Musharixiin badan, oo isku diyaariyay doorashadda 8-da Kursi ee HirShabeelle lo qoondeeyay.

Doorashadda Aqalka Sare ee HirShabeelle ayaa mudo dib u dhacaysay sababo la xiriira khilaafka ka taagan kuraasta sida loogu tartamayo, waxaana faragelin ku hayay Vill Somalia.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhawaan soo saarey Liiska Musharixiinta, isagoo kursi walba ku qoray dhamaan Musharixiinta Beesha leh, si uu uga fogaado eed iyo cadaalad darro.

Waxaa la filayaa in Jowhar ka dhacdo doorashadda maalmaha soo aadan, iyadoo ay ka jirto magaaladda diyaar-garow xoog leh, sida qaar kamida qaban-qaabiyaasha u sheegeen KON.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.