Arin ugub ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya

AMISOM ayaa dalka timid Jan 2007, iyadoo Ciidanka Uganda ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee cagta oo saarey ciida Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Arin ugub ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo katirsan AMISOM, kana soo jeeda dalka Uganda ayaa shalay lagu riday xukun dil ah, halka labo kale lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah.

Wasiirka Cadaaladda DF C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in labada Askari ee dilka lagu xukumay ay toogashadooda ka dhacayso Soomaaliya, taasoo ah arin ugub ah oo horey u dhicin.

Labada dilka lagu xukumay ayaa ahaa Saraakiisha hogaaminaysa Ciidanka dilka todobada qof ugu geystay duleedka Golweyn 10kii August 2021, kaasoo saddex askari ay fuliyeen.

Labo askari ayaa toogtay shacabka halka midna uu miinada inta ku dul fariisay meydadka kadibna ku qarxiyay, iyadoo dadkaas Soomaaliyeed loo dilay si micna la'aan ah.

Waxay ahaayeen beeralay iyo labo darwal oo baabuur jidka ugu ciladoobey xili goobta uu ka dhacay weerar jidgal ah oo Al-Shabaab ku qaadey AMISOM kaasoo hal askari looga dilay.

Ehalada dadka la dilay ayaa goobjoog ahaa Maxkamadda, waxayna sheegeen inay ku qanceen cadaaladda la fuliyay, waxayna dhawaan aasteen meydadka oo ku jiray Isbitaal.

Askarta dhibaatada geysatay waxay u dhasheen Uganda, waxaana ay ka howlgalaan Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, Koonfurta Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii AMISOM timid dalka 2007 askari dil ama dembi kale geystay oo lagu xukumo Muqdisho, haddana lagu toonayo gudaha Soomaaliya.

AMISOM ayaa tacadiyo badan oo joogto ah u geysatay shacabka Soomaaliya ee loogu soo diray inay nabada ugu soo celiyeen dalkooda, islamarkaana la dagaalamaan Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.