Axmed Madoobe oo boobey Doorashadda kuraasta Gedo

Kuraastan ayaa ahaa kuwa buuq iyo khilaaf badan uu hareeyay doorashadooda, waxaana ugu dambeyn loo wareejiyay Ceel-Waak oo Axmed Madoobe ka taliya.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo boobey Doorashadda kuraasta Gedo

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa ku kala adkaadey doorashadda gobolka Gedo, iyadoo hadda u muuqato in Villa Somalia ay gacanteeda ka baxeen 16-ka kursi.

Loolan dheer kadib, waxuu Gudiga FEIT oo xafiiska Rooble ku dhaw go'aamiyay in Ceel-Waaq lagu qabto, iyadoo laga soo wareejiyay Garbahaarey, oo ah degaan doorashadda 1aad Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa fursad weyn helay, isagoo ka faa'ideystay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, oo u fududeeyay in doorashadda loo geeyo meel isaga uu maamulo, oo kuraasta ku boobi karo.

Waxaa shalay isla saacado gudahooda lagu doortay 11 kursi, iyadoo Maanta shanta dhiman la dhameystirayo, waxaana meesha kusoo idlaanaya dood iyo muran dheer oo sanad ka badan socday.

Ceel-Waaq waxaa shalay tagey Axmed Madoobe, iyadoo Maantana ku-xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan gaarey, si uu goobjoog ugu ahaado dhameystirka doorashadda iyo xaflada xeritaanka.

MW hore Soomaaliya Farmaajo ayaa fadhiya meel cidlo ah, waxaana isagoo indhihiisa shanta ah laga fara-mariijistay 16-kii kursi ee uu ku xisaabtamayay, oo Axmed Madoobe jeebka ku shubtay.

Ciidanka Kenya ayaa amniga Ceel-Waaq ilaalinayay, waxaana laga baqayay inay soo weerareen Askarta Farmaajo u jooga Gedo, oo u muuqda inay awoodi waayeen inay carqaldeeyaan doorashadda.

Gudiga doorashada FEIT ayaa kula qeybsamay doorashadda Gedo, oo iyagoo labo garab ah kala tagey Garbahaarey iyo Ceel-Waaq oo ay ku qabanayaan labo doorasho oo iska soo horjeeda.

Todobaadkan ayaa la filayaa inay Garbahaarey ka dhaco doorasho kale, taasoo 16 kursi oo kale lagu dooran doono, lama oga inay heli doonaan shahaadooyinka Xildhibaanimo, maadaama FEIT hogaankeeda sare uu taageersan yahay doorashadda Ceel-Waaq.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.