Axmed Madoobe oo dhabarka ka jebiyay Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu lacag badan isoo bandhigay Axmed Madoobe, si kursiga ugu xiro C/raxmaan Dheere, oo ah ninka uu u adeegsaday burburinta Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo dhabarka ka jebiyay Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - C/raxmaan Dheere, oo ah gacan-yaraha Fahad Yaasiin, ayaa ku hungoobay halgankiisa inuu kursiga Gollaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop124 uu markii 3aad ku guuleysto.

Kursiga oo degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa waxaa isku soo sharaxay, oo la filayoo inuu kusoo baxo Maxamed Nadiif Musharax lagu magacaabo, oo Maanta shahaadadiisa la siiyay.

Tallaabadan ayaa lagu soo afjaray damaca Fahad Yaasiin, ee ahaa inuu awood Ciidan iyo mid dhaqaale u adeegsado sidii uu kusoo saari lahaa Xildhibaano u codeeyay Farmaajo doorashadda.

Tani waxay ahayd aargoosi Axmed Madoobe ku sameeyay C/raxmaan Dheere, oo lagu xasuusto inuu C/rashiid Janan kasoo saarey Jubbaland, islamarkaana dhibaatooyin badan ka geystay Jubbaland.

Warar ayaa sheegay in Fahad Yaasiin wado kasta uu isticmaalay sidii uu C/raxmaan Dheere kusoo saari lahaa, isagoo xitaa sameeyay balan-qaad lacageed oo u jeediyay Axmed Madoobe, taasoo u shaqeyn waysay.

C/raxmaan Dheere wuxuu ahaan jiray Al-Shabaab kahor inta uusan soo galin siyaasadda, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay shaqsiyaadka mas'uulka ka ah inay Al-Shabaab badan soo galaan NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.