Axmed Madoobe oo laynaya dadka dhulkooda uu xoogga ku hayso

Axmed Madoobe waxaa kursiga ku ilaaliya Kenya, oo u qabatay Kismaayo 2012, waxaana uu siiyaa Madaxda Nairobi joogta lacag si isaga u taageeraan.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo laynaya dadka dhulkooda uu xoogga ku hayso

KISMAAYO, Soomaaliya - Kismaayo wali waxaa lagu daadinayaa dhigga dadkii degaanka loogu yimid, ee Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa Raaskambooni ay ku dul-habsadeen 2012.

Waxaa magaaladda ka dhacay 10-kii sano ee lasoo dhaafay dilal, kufsi, dhac iyo barakin lagu sameynayay dadka aan kasoo jeedaan Beesha Axmed Madoobe ee Ogaadeen, oo Itoobiya degta.

Dilalka ayaa xadka dhaafey, taasoo keentay in Ganacsato iyo Odayaal badan ay kasoo cararaan Kismaayo, iyagoo naftooda kala baxanaya Axmed Madoobe oo isir-sifeyn sameyaya.

Maalmihii ugu dambeeyay wuxuu Axmed Madoobe uu tiirka geeyay askar, oo lagu eedeeyay dilal, kuwaasoo markii la baarey la ogaadeen inay kasoo jeedaan Beelo laga tiro badan yahay.

Waxaa Maanta la toogtay Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi, iyadoo labo Maalin kahor sidan oo kale labo kale oo uu ku jiray Oday waayeel ah lagu dilay magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe isaga dembiyada uu geystay oo ciida ka badan ma jirto cid kula xisaabtamaysa adduunka, waxaana shacabka Kismaayo noqdeen kuwa isaga afka qabtay, oo aad uga baqa.

Sanadihii dambe, waxaa aad Kismaayo ugu soo badanayay dadka ku qabiilka ah Axmed Madoobe, oo deegaamayn loo sameynayo, iyagoo ka kala yimid Kenya iyo Itoobiya.

Axmed Madoobe waxaa kursiga ku ilaaliya Kenya, oo u qabatay Kismaayo 2012, waxaana uu siiyaa Madaxda Nairobi joogta lacag si isaga u taageeraan.

Labo Bil kahor, markii la doortay Ruto, wuxuu Axmed Madoobe geeyay Nairobi dhowr milyan oo dollar, oo Madaxweynaha cusub ee Kenya isku soo barayay, lacagtaas oo kamid ahayd 4 milyan oo dollar oo dowladda Federaalka ka siisay 100-kii Milyan oo Bangiga Adduunka siiyay Soomaaliya, oo madaxda Maamullada qofka qeybtiisa jeebka ku shubtay.

Axmed Madoobe wuxuu kasoo mid noqday kooxihii argagaxisadda dalka dhibaatada ka geystay, isagoo lasoo shaqeeyay Xasan Daahir Aweys, Axmed Godane iyo hogaamiyeyaal kale oo Al-Shabaab wali katirsan.

2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose - Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.

2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam

2010: Taliyaha garabka Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.

May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.