Axmed Madoobe oo sheegay inuu xayiraadda ka qaadey Gedo

Reer Gedo ayaan marna taageerin maamulka Kismaayo, tan iyo aas-aaskiisa 2013, waxayna sheegeen in Axmed Madoobe uusan matelin reer Jubaland, oo uu yahay nin ka yimid Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo sheegay inuu xayiraadda ka qaadey Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya, kadib markii Farmaajo oo naf-dhuub-gashay ku ahaa maamulkiisa uu soo noqon waayay mar 2aad.

Axmed Madoobe, oo horey Al-Shabaab u ahaa, islamarkaana Ciidanka Kenya kusoo hogaamiyay Soomaaliya ayaa sheegay in xayiraadihii saarna gobolka Gedo la qaadey, islamarkaana uu ka shaqeyn doono dhismaha Gollayaasha degaanka.

Hay'adaha gargaarka ayuu ka reebay, wuxuu kaloo joojiyo dhaqaalihii deeqbixiyaasha ugu tala-galeen abaaraha iyo horumarinta degaanka, waxaana lacagtaas lagu boobey magaaladda Kismaayo.

Reer Gedo ayaan marna taageerin maamulka Kismaayo, tan iyo aas-aaskiisa 2013, waxayna sheegeen in Axmed Madoobe uusan matelin reer Jubaland, oo uu yahay nin ka yimid Itoobiya.

Doorashaddii Baarlamaanka, Axmed Madoobe ayaa afduubay 16-kii Kursi ee Gedo, isagoo ka wareejiyay degaan doorashadii lagu heshiiyay ee Garbahaarey, waxaana uu ku qabtay Ceel-Qaalow, oo gudaha Kenya ku taalla.

Jubbaland ayaa noqotay mid jeebka ugu jirta Axmed Madoobe, oo aan cidna la lahayn, isagoo ka sameystay Kismaayo boqortooyo aan dhicin, oo isaga iyo beeshiisa Ogaadeen ku manaafaco.

Gedo oo buuxda marna Jubbaland kama talin, waxaana dhowrkii meelood ay ka joogeen Ciidanka Axmed Madoobe ka raacdeeyay Farmaajo sanadki hore, iyadoo shacab uu kusii kordhayo nacaybka maamulka Kismaayo.

Markii Kismaayo ku qabsadey Ciidanka Kenya 2012, Malleeshiyaadkii Axmed Maadoobe ee Raaskambooni, oo Ogaadeen la yimid Itoobiy ahaa ay ku xasuuqeen magaaladda Oyadaal, Ganacsato, aqoonyahnno, iyagoo kuasadey haween badan, oo beelaha degaanka kasoo jeeda, oo ugu badnaan ahaa Mareexaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.