Axmed Madoobe oo soo gaarey Muqdisho

Amaanka Axmed Madoobe waxaa sugaya Ciidan uu Kismaayo kala yimid, oo uga soo horeeyay Garoonka diyaaradaha.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo soo gaarey Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gaarey Muqdisho, oo lagu wado inuu dhawaan ka furmo Shirka Farmaajo iyo Maamullada.

Kahor inta uusan imaan, ugu yaraan 3 hoobiye ayaa ku dhacday xarunta Xalane oo ku dhegan Garoonka diyaaradaha waxaana ka dhashay khasaaro u badan burbur.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa isna la filayaa inuu yimaado Muqdisho maalinta berri ah, isagoo kusoo biiraya madaxda maamullada shanta ah ee uga soo horeeyay magaaladda.

Shirka arrimaha doorashadda waxaa la filayaa inuu ka furmo xarunta Afisyooni, oo Garoonka diyaaradaha aan ka fogeyn, kadib markii Axmed Madoobe iyo Deni ay diideen inay tagaan Villa Somalia taasoo muujinaysa inaysan jirin kalsooni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.