Bannaanbax ka socda Magaalada Laas-caanood

Bannaan-bax ayaa ka socda magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool halkaas oo maalmihii u dambeeyay u ka jiray sicir-barar xoog leh oo saameeyay bulshada ku dhaqan deegaanadaas

Warar Keydmedia Online
Bannaanbax ka socda Magaalada Laas-caanood

LAAS-CAANOOD, Soomaaliya - Magaalada Laas-caanood waxaa saakay ka billowday dibadbax ay dhigayaan dadweyne isugu jira Haween, Dhallinyaro iyo Waxgarad, kuwaasoo ka cabanaya Sicir-barar xoog leh, oo ka jira deegaanada Puntland oo dhan.

Magaalada Laas-caanood waxaa laga diiday qaadashada lacagta Shilin Soomaaliga, taasoo keentay in bannaan-baxayaasha ay isugu soo baxaan Magaalada bartamaheeda, iyagoo dareenkooda ku muujinaya sida ay uga xun yihiin diidmada Shilinka Soomaaliga, oo horay looga diiday magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Garoowe iyo Boosaaso.

Puntland iyo maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa ku muransan dhul u dhaxeeya, sida magaalada Laas-caanood oo u kala qeybsan laba dhinac, qolo taageersan nidaamka Hargeysa iyo sidoo kale qolo taabacsan Garoowe.

Bannaan-baxayaasha ayaa dalbanayay in lacagaha Shilin Soomaaliga la qaato, waxaana saakay xiran dhammaan Ganacsigii magaalada Laas-caanood ee sida caadiga ah u socday maalmihii laso dhaafay oo sicir-bararku gaaray meel sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.