Bayraktar TB2 oo ku soo biirtay dagaalka Al-Shabaab

Bayraktar TB2, waxa ay sanadihii la soo dhaafay caan ka noqotay fagaarayaasha dagaalka, waxaana hore loo geeyay dalalka Azerbaijan, Libya, Qatar, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Morocco, Algeria, Poland, Ethiopia, Ukraine, Latvia, Tunisia iyo Kazakhstan.

Warar Keydmedia Online
Bayraktar TB2 oo ku soo biirtay dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay in dagaalka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga oo isku jira kuwo sirdoon iyo kuwo duqeyn.

Isagoo ka qeyb qaadanayay barnaamijka Doodwadaag ee ka baxa Universal TV, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan mid ka diyaaradaha ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga isla-markaana ay ka garab dagaallami doonaan kuwa Maraykanka.

“Dowladda Turkiga ayaa ku soo biirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hawada ayay naga caawin doonaan, diyaaradaha Turkigu waa labo nuuc, kuwo sirdoon oo xogta raadinaya iyo nuuc duqayn”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Hadalka Fiqi, ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood kadib markii ay Keydmedia Online (10 December 2021) qortay xogta ku aaddan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, kuwaas oo dhamaadkii sanadkii hore la keenay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Sida ay xilligaas baahisay KON, ugu yaraan labo diyaaradood oo nuucoodu yahay, kuwii ay qaban waayeen radaarrada Rushka farsameeyo ee guulaha kasoo hooyay dagaalladii Syria, Libya iyo dirirtii u dhaxeeyay Aserbajan iyo Armenia ayaa la keenay caasimadda.

Diyaaradahaan oo loo adeegsan karo ururinta macluumaadka ‘basaasnimo’, ayuu Turkigu maalmihii xasaraduhu ka aloosaneeyn Muqdisho ee uu xooggana muranka doorashada qeyb ka mid ah u adeegsaday ammaanka safaaraddooda iyo xerada Tukisom.

Billowgii 2021 ayaa baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada Saraakiil Soomaali ah oo la sheegay in loo tababaray Bayraktar TB2, hayeeshee dhamaadkii sanadkaas siyaasiyiintii mucaaradka ahaa ayaa dalbaday in Turkigu faahfaahin ka bixiyo xogta arrinkaas la xariirta.

Bayraktar TB2, waxa ay sanadihii la soo dhaafay caan ka noqotay fagaarayaasha dagaalka, waxaana hore loo geeyay dalalka Azerbaijan, Libya, Qatar, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Morocco, Algeria, Poland, Ethiopia, Ukraine, Latvia, Tunisia iyo Kazakhstan.

Turkigu, wuxuu Soomaaliya ka dhisay saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, waxaana lagu tababaraa Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gorgor iyo Haramcad, halka sidoo kale Ankara safaaraddeeda ugu weyn ay ku leedahay Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.