Beelaha Senatarada la doortay [Sed-bursiga jira Jubbaland]

Waxay Jubbaland ahayd meel Axmed Madoobe ka dhistay Boqortooyo, isagoo xukunka iska haysta tan iyo 2013.

Warar Keydmedia Online
Beelaha Senatarada la doortay [Sed-bursiga jira Jubbaland]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta lagu doortay Kismaayo afar Senator oo noqonaya kuwii ugu horeeyay oo loo doorto Aqalka Sare, ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Doorashadda dhacday waxay ahayd mid horey loo saadaaliyay natiijadeeda, maadaama ragga Musharixiinta uu Axmed Madoobe soo saaray waxay ahaayeen kuwa u badan Beesha Daarood, oo isaga kasoo jeedo.

Senator-kii ugu horeeyay Ilyaas Badal Gaboose waa DAAROOD, wuxuu ka yahay Ogaadeen, gaar ahaan jufadda Maxamed Subeyr.

Waxaa ku xigay C/llaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag], waa DAAROOD, wuxuu ka yahay Mareexaan, gaar ahaan lafta reer Diini.

Senator-ka 3aad ee la doortay, C/risaaq Maxamed Cismaan, waa Majeerteen, gaar ahaan Wabeneye.

Kaliya Iftiin Xasan Baasto ayaa ka yimid Beelaha kale ee dega Jubbaland, isagoo u dhashay Beesha Cawrmale.

Bishii Maarso 2021, Axmed Madoobe ayaa magacaabey Golle Wasiiro oo ka kooban 23 xubnood, kuwaasoo 17 kamid ah ay DAAROOD yihiin, wuxuu dhamaan beelaha kale ee dega Jubbaland u qoondeeyay 6 wasiir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.