Beesha Caalamka oo ka welwelsan heshiis la’aanta Farmaajo iyo Rooble

Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la kulmaya cadaadis xoog leh, iyagoo loogu baaqey inay khilaafkooda si sharuud la'aan ah ku dhameeyaan.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka welwelsan heshiis la’aanta Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin heshiis la'aanta khilaafka siyaasadeed ee Farmaajo iyo RW Rooble.

Waxay ku booriyeen Farmaajo” iyo Rooble inaay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafka oo saameyn ku yeeshay hanaanka dowladnimada iyo doorashadda.

Beesha caalamka waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, kuwaasoo ay kamid yihiin kiiska Ikraan Tahliil iyo hogaanka NISA ee lagu muransan yahay.

Khilaafka ayaa sababay hubinti la'aan la’aan siyaasadeed, taasoo sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimid geeddi-socodka doorashada, waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha iyo NISA, kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorriyeen Farmaajo iyo Rooble inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sep. 2020 iyo 27-kii May 2021.

Waxaa kaloo loogu baaqey inay hubiyaan in hay'adaha amniga aysan ku milmin siyaasadda, islamarkaana diiradda saaraan la dagaalanka Al-Shabaab iyo sugida amaanka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.