Bixida AMISOM iyo suurta-galnimada in Al-Shabaab dalka qabsan karto

Ciidanka AMISOM waxay ka socdaan Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxayna qeybtii ugu horeysay timid Muqdisho 2007.

Warar Keydmedia Online
Bixida AMISOM iyo suurta-galnimada in Al-Shabaab dalka qabsan karto

MUQDISHO, Soomaaliya - 15 sano kadib, AMISOM ayaa ka baxaysa Soomaaliya, iyadoo qorshihii loo keenay qabyo yahay, islamarkaana khatartii Al-Shabaab ka badan tahay maanta halkii ay joogtay markii ay imaanayeen 2007.

Dood kulul ayaa ka socota Xalane, oo ah xarunta taliska AMISOM, waxaana ka qeybgalaya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo Wakiiladda Beesha Caalamka, iyagoo ka arinsanaya waxa bedeli doono Ciidanka Midowga Afrika ee baxaya.

Qorshaha kala-guurka ee STP - Somali Transitional Plan ayaa laga hadlayaa sidii lagu hirgelin lahaa, oo AMISOM amniga goobaha ay gacanta ku hayso ugu wareejin lahayd Ciidanka dowladda oo la aaminsan yahay inaysan sii heyn karin degmooyinkii horey looga saarey Kooxda.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in QM ay ka go’an tahay in si guul leh dib u habeyn loogu sameeyo AMISOM iyadoo loo marayo wadatashi, wadashaqeyn iyo isku dubarid.

Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto howlgalka dib u habeynta lagu sameeyay, ilaa inta uu ka bixinayo caddeymo macquul ah oo ku aaddan jihada uu aadi doono.

Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in ay joojin doonaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan Ciidamada AMISOM, iyagoo taasi shuruud uga dhigay in dib u habeyn lagu sameeyo howlgalka, oo hadda kadib laga dhigo mid diiradda saaro dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, halka markii hore uu xoogga saarayay la dagaalanka Al-Shabaab.

Gudiga Nabada iyo Amaanka Midowga Afrika sanadkii tagey soo jeediyay qorsho cusub oo ah in loo bedelo howlgalka AMISOM mid xasilin ah oo Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey lagu soo biirinayo, iyadoo si toos ah dhaqaalaha ku baxayana ula wareegayo Gollaha Amniga ee QM.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday soo jeedintan, iyadoo ku adkaysatay go’aankeeda ah in Ciidamada dalka uu leeyahay lagu wareejiyo amniga, islamarkaana AMISOM ay iska baxdo, taasoo sida wararku ay sheegayaan aan saaxiibada Beesha caalamka qaarkood ku qanacanayn.

Qubarada amniga ayaa aaminsan in hadii AMISOM baxdo, iyadoo aan la diyaarin Ciidankii bedeli lahaa ay suurta-gal tahay inay Al-Shabaab la wareegto dalka, si lamid ah Taliban oo Afghanistan gacanta ku dhigay islamarkii ay ka baxeen Ciidamada Mareykanka August 2021.

Al-Shabaab ayaa ku hareeraysan dhamaan magaalooyinka ay maamusho dowladda, laga soo billaabo Muqdisho illaa Kismaayo, oo jirto dhowr KM, iyadoo weeraro joogto ah ka fuliso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.