Boob iyo Boobsiis ka muuqda doorashadda Gollaha Shacabka

Koonfur Galbeed ayaa shalay lagu doortay shan kursi, waxayna dhamaadka bishan dooran doontaa kuwa kale, iyadoo hanaanka uu yahay mid aan ka jirin daah-furnaan.

Warar Keydmedia Online
Boob iyo Boobsiis ka muuqda doorashadda Gollaha Shacabka

BAYDHABO, Soomaaliya - Wali waxba iskama bedelin boobkii doorashadda, iyadoo heshiiskii lagu galay 9-kii bishan Muqdisho dhigayo in habraaca iyo nidaamka noqdaan kuwa hufan.

Meelo kala duwan oo Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed kamid yihiin ayaa durba kasoo yeeraysa cabasho ku aadan in kuraasta qaar dad qaas ah loo xirayo, oo aan tartan ka jirin.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa shalay qabtay doorashadda shan kursi, kuwaasoo Lafta-Gareen kusoo saarey shaqsiyaad Farmaajo iyo Fahad taageersan.

Wuxuu soo saaray jadwalka doorashada 3 kursi oo ka mid ah 11-kii kursi oo uu shaaciyey 1-dii bishan, iyadoo socoto xulista Ergada, halka doorashadu ay dhici doonto 25-ka bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.