Boob lagu hayo Dhulka Danta-Guud ee ku yaalla Muqdisho

Markastoo la gaaro xiliga kala-guurka, Madaxda xiligaas joogta waxay sameeyaan musuq-maasuq hantida dowladda iyo dhulka danta-guud ee ku yaalla Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Boob lagu hayo Dhulka Danta-Guud ee ku yaalla Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo billowgii sanadkan markii uu dhamaadey mudo-xileedka dowladda, waxaa Muqdisho si xowli ah uga socday boobka dhulka danta-guud, oo shaqeysiyaad kamid ah Maamulka Farmaajo ay dana gaar ah u isticmaalayeen.

Meel kastoo banaan oo dhulka dowladdu lahayd shaqsiyaad baa xirtay, qaarkood dhismooyin guryo iyo goobo ganacsi ayaa laga sameystay, waxaana kamid ah meelahaas dhulk ballaaran oo ku yaalla afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde, oo daaro dhaadheer laga dhistay, lagana kireeyay hay'ado iyo shirkado.

Madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa ah kuwa ugu badan ee boobka wada, iyagoo u sanmeystay dukumentiyo been ah dhulka dowladda, waxaana arintan keentay in banaanbaxyo ka dhacaan Muqdisho, oo ugu dambeeyay midkii Tiyaatarka Qaranka iyo dhulka Biyaaso Liibaro (Barxadda Ceelgaabta) ee degmada Xamar Jajab.

Farmaajo oo qancinaya shacabka, iskana leexinaya tooshka, ayaa soo saarey qoraal uu sharci-darro uga dhigay Dhulka Danta guud ee la bixiyey intii uu xilka hayey 2017-2021.

Halkan hoose ka akhri wareegtada:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.   

 4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018.  Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.