Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu galay dembi xilka looga qaadi karo

Madaxweynaha ayaa ku socdo wado dhamaadkeeda yahay fowdo iyo burbur, waxaana looga digay inuu ku dhaqmi waayay sharciga lagu doortay 2017.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi: Farmaajo wuxuu galay dembi xilka looga qaadi karo

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu maanta ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaysa jiritaanka Hey'addaha Dastuuriga, islamarkaana uu doonaayo in uu dalka burburiyo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in xeerka uu maanta saxiixay Farmaajo uu baalmarsan yahay Dastuurka, mana lahan wax raad sharci ah. Waxuu tilmaamay in Farmaajo uu faraha la galay shaqadii loogu tala galay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo baalmaray sharciga.

“Go'aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG," ayuu yiri Gud. Aqalka Sare.

Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah, maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaatay muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad.

Shaqada wax ka bedelka dastuurka waxay sugeysaa Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Dastuur jebinta joogtada ee Farmaajo, ayuu sheegay Cabdi Xaashi in Mooshin Xilka qaado ah looga keeni karo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.