Cabsi amni oo ka jirta Xarunta Beesha Caalamka ee Xalane

Safaaradaha reer galbeedka, sida kuwa Mareykanka iyo UK ayaa degan xarunta Xalane, oo ah meel saldhig u ah AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Cabsi amni oo ka jirta Xarunta Beesha Caalamka ee Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii la helay xogo sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayso weerar ay ka fuliso gudaha Xalane, ayaa AMISOM waxay adkaysay amniga xerada, oo ay degan yihiin hay'adaha UN-ka, Safaaradaha Reer Galbeedka iyo Midowga Yurub.

Ciidamada AMISOM ayaa joojiyay Gaadiidkii dagaalka ee ilaalada u ah Madaxda sare ee dowladda ee gali jiray Xalane, iyadoo sare loo qaadey heerka feejignaanta amniga, waxaana baaritaan dheeraad ah lagu sameeyaa dadka iyo alaabaha la geliyo.

Safaaradaha ajnabiga ayaa soo wajahay cabsi amni, iyagoo billaabey inay si gaar ah isku ilaaliyaan, oo aysan isku helynin AMISOM, maadaama horey dhowr jeer xeyndaabkeeda Al-Shabaab uga soo gudubtay, oo gudaha lagu laayay dad badan.

Kadib markii Al-Shabaab bishan labo weerar oo culus ka fulisay Muqdisho, waxaa la adkeeyay amaanka meelaha muhiimka Caasimadda, oo Villa Somalia ay ku jirto, iyadoo soo dhawdahay bisha Ramadan, oo weerarada ay soo kordhaan.

AMISOM ayaa mas'uul ka ah, oo ilaalisa Garoonka diyaaradaha, Dekada iyo Madaxtooyada, waxaana Ciidanka dowladda, gaar ahaan NISA ku sugan yihiin baraha Koonatarool ee banaanka dhismooyinka madaxda degan yihiin, taasoo muujinaysa inaan lagu kalsoonayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.