Canshuur lagu kordhiyay Qaadkii la keeni jiray Soomaaliya

Ganacsatada waxay ugu baaqeen Muqdisho iyo Nairobi inay ka shaqeeyaan sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha haatan haysta ganacsiga miraa.

Warar Keydmedia Online
Canshuur lagu kordhiyay Qaadkii la keeni jiray Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday canshuur kordhin ay ku sameysay Qaadka Miraa ee laga soo dhoofiyo dalka Kenya, kaasoo bulshada dhibaatooyin ku haya, xagga Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Dhaqanka.

Sida ku xusan dukuminti kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda, canshuurta cusub waxay noqonaysaa $4 doollar halkii kiilogaraam oo Qaadka ah oo kasoo dega Muqdisho, halka markii hore ahayd $2.5 halkii kiiloogaraam.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay ugu baaqday dhammaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira in la hirgaliyo canshuurta cusub, ee kor loogu qaadayo dhaqaalaha wadankan ku yaalla Geeska Afrika oo ka soo kabanaya caqabado Maaliyadeed oo ka dhashay sanado colaado ah.

Tallaabooyinka cusub ayaa yimid iyadoo ganacsatada qaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaaro kasoo gaartey xayiraaddii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya saddex bilood kahor  taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka ka-hortagga COVID-19.

Ganacsatada waxay ugu baaqeen Muqdisho iyo Nairobi inay ka shaqeeyaan xal u helida caqabadaha haatan haysta ganacsiga Miraa, oo suuqiisa ugu weyn ay tahay Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.