CC Warsame: Xayndaabka Kalsoonida Farmaajo wuu soo xirmay

Musharaxa ayaa sheegay in nafsadda kaligii taliyuhu [Farmaajo] uusan xasilloonayn. Wuxuu qabaa cabsi iyo qab nacaseed, wuxuuna ku shaqaystaa dhagar iyo shirqool.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Xayndaabka Kalsoonida Farmaajo wuu soo xirmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay soo xirmeen albaabadii kalsoonida Shacabka u hayeen Farmaajo oo intii uu xafiiska galay dembiyo qaran.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir ayaa sheegay in Fahad Yasin wareejinta uu iska wareejiyay howlaha la-talinta amniga qaranka ay muujinayso in xayndaabka kalsoonida ee Farmaajo uu soo xirmay, isaga iyo kooxdiisana, oo horay shacabka Soomaaliyeed u tusey heerka ay ka joogaan dowladnimo, dastuur, sharci,  iyo maamul. 

Nafsadda kaligii taliyuhu ma xasilloona. Wuxuu qabaa cabsi iyo qab nacaseed, wuxuuna ku shaqaystaa dhagar iyo shirqool.


Waxuu CC Warsame wax la yaab leh ku tilmaamey shaqsiyaadka ku magacaaban xilalka Dowladnimo ee moodsiiya in ay Farmaajo talo la leeyihiin, balse ku saladday dadka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan, oo dhibaato ka abuurayaan iyagoo u adeegaya danaha Villa Somalia.

Cidna lama wadaago damaciisa iyo yoolkiisa, cidna kuma kalsoona, kuwa la socdaana waa ku meelgaaraa, wxuuna ku cabsiiyaa dadkooda, isagoo dhinaca kale ku beerlaxawsada in aysan xilka heli laheyn isaga la’aantiis, haddii uu isagu  baxana ka hari doonin. Mid walbase markii uu ku dangaaro ayuu daaqadda ka tuuraa.

Hadalka CC Warsame ayaa falcelin u ahaa qoraal baraha bulshadda laso dhigay oo ah warqadda ku taariikhaysan Dec 2 oo Fahad Wasiirka Arrimaha Dibadda ugu wareejinayo shaqada la-talinta amniga Qaranka Farmaajo.

KON warqadda si madax-banaan uma xaqiijin karto sugnaanteeda, balse waxay xiriir la sameysay xafiiska kasoo baxdey, oo aan wali soo jawaabin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.